Booliska gobolka Bavarian ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in wiilkii 18 jirka ahaa ee weeraray goobta laga dukaamaysto isla markaana ku dilay sagaalka qof, inaanay jirin wax xidhiidh ah oo uu la lahaa ururka ISIS.
Masuuliyiinta booliska oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay baadheen gurigii uu deganaa, isla markaana aanay ka helin wax muujinaya inuu xidhiidh la lahaa ururada argagixisada, laakiin waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in weerarkaasi uu isaga ku koobnaa.
Wiilka dilka geystay ayaa ku dhashay magaalada Munich, waxaana looga jiray maskaxda isaga oo ku jiray daryeelid caafimaad. Waxaana kooxaha baadhista wada ay sheegayaan inay u malaynayaan inuu weerarkan ku kellifay wareer dhinaca maskaxda ah.
Wiilkan da’da yar ayaa isaga laftiisu iska toogtay madaxa, mana jirin wax hadal ah oo wiilkan laga hayo oo faahfaahinaya ujeedada uu weerarka u geystay.
Weerarkan waxaa ku dhintay sagaal qof iyo wiilka weerarka geystay, waxaana ku dhaawacmay illaa 27 qof oo kale oo 10 ka mid ah xaaladoodu ay daran tahay.