Mucaaradka dawladda Jabuuti ayaa ugu baaqay xukumada Jabuuti in ay dhexdhaxaad ka ahaato khilaafka u dhexeeya dawladaha Itooboiya iyo Eretreiya, isla markaana ay wixi xasarada ah lagu xaliyo si nabad ah.
Hadalka mucaaradka ayaa ka dambeeyey iska horimaadyadii dhowaan kasoo cusboonaaday xadka labada waddnaka ee Eritriya iyo Itoobiya.
Wariyaha VOA ee dalka Jabuuti Ramadaan Muuse ayaa mowqifka mucaaradka ka waraystay Cumar Cilmi Kheyre oo ka mida madaxda mucaaridka USN.
Dhanka kalana, dawladda Jabuuti aya walaac ka muujisey warar iskugu jirra'a maqal iyo muqaal oo la sheegay in mucaaridku ay ku daabaceen baraha bulshada oo ay kaga hadleen xaaladda xiriirka Jabauuti iyo Eritriya iyo tan u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea.
Lataliyaha Rai'sal wasaaraha Jabuuti Mustafe Cilmi Xasan ayaa marka hore uga waramey weriyahayaga waxa ay walaaca ka qabaan.