Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Masjidka Nabiga NNKH


Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay meel u dhow masjidka barakaysa xaramka ee magaalada Medina.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in afar ka tirsan ciidamada amniga ay dhinteen, 5 kalena ay ku dhaawacmeen, iyagoo isku dayayay inay ninkaasi is-qarxiyay ka horistaagaan inuu masaajidka galo.

Masaajidka xaramka Madiina waxaa ku aasan Nabi Maxamed NNKH, waxaana sannad walba booqda malaayiin Muslimiin ah oo xujay ah oo daafaha dunada ka kala yinmaadab.

Dalka Sacuudiga sidoo kale laba qarax ayaa shalay dhacay.

Qof is miidaamiyay ayaa isku qarxiyay masjid ay Muslimiinta Shiicadu ku tukadaaan oo ku yaalla magaalada Qatif ee bariga Sacuudiga, halka saacaddo ka horna, qof kale uu isku qarxiyay meel u dhow qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay magaalada Jeddah. Safaaradda Maraykanku waxay sheegtay inaan qofna wax ku noqon qaraxaasi.

Sacuudga aaa ku dhawaaqay in maalinta barrito ah oo Arbaca ah ay tahay maalintii Ciidul Firtiga.

Warbixin: Qaraxa Masjidka Xaramka Madiina
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00

XS
SM
MD
LG