Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxootiga Syria ee USA Imanaya Oo Kordhay


Mideast Lebanon Syrian Refugees
Mideast Lebanon Syrian Refugees

Tirada qaxootiga Suuriyaanka ah ee Marykanka soo galay bishii June, ayaa ku laba jibbaarantay tirada bilihii hore ee la soo dhaafay ee dib u dejinta loogu sameeyay dalkan Mareykanka.

Tallaabadan ayaa oo ka dhigeysa mid dar dar galineysa yoolka madaxweyne Obama ee ahaa in ay dib u dejin u sameeyaan 10 kun oo qaxooti Suuriyaan ah ka hor bisha October.

Xarrunta dib u dejinta u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa ku warantay in 2381 qaxooti Suuriyaan ah ay bishii June yimaadeen Mareykanka. Waxa la dajiyay gobolada Michicagn, California, Arizona, Illinois, Pennsylvania, Texas iyo Florida.

Si yoolka Obama ee dib u dejinta 10-ka kun ee qaxootiga Siiriyaanka loogu sameeyo, waa inay 3 bil gudaheeda ku dhameystiraan dib u dejinta 4,814 qaxooti ah.

Tan iyo markii uu billowdey dagaalka sokeeye ee Siiriya 2011, in ka badan 4 Milyan oo Siiriyaan ah ayaa ka qaxay dalkaasi, sida uu sheegay golaha qaabilsan xiriirka dibbadda.

XS
SM
MD
LG