Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Weerar ayaan ku Qaadaynaa Shabaab


Shabaab
Shabaab

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadayso weerar ka dhan ah ururka Al-Shabab oo looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la go’aansaday in la dedejiyo hawlgalkan ka dhanka ah Al-Shabab ay qeyb ka yihiin barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka kaas oo ay ku doonayaan baabi’inta kooxaha argagixisada kuwaas oo dilal aan loo meel dayin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kalena Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka baxeen magaalada Rabdhuure ee Gobolka Bakool gelinkii dambe ee shalay oo Jimce ahayd, sida uu VOA u sheegay Yuusuf Cabdiraxmaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga ee Gobolka Bakool.

Magaalada Rabdhuure ayaa la sheegayaa xilligan inay haystaan maleeshiyada ururka Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG