Odayaasha iyo dadka ku nool Gobbolka Gedo, gaar ahaana deegaanada ku yaalla xadka ee nawaaxiga Degmada Ceelwaaq ayaa cabasho xooggan ka muujinaya duqeyn la sheegay in diyaaradaha Kenya ay u geysanayaan deegaano ay ku nool yihiin da rayid ah.
Duqeyntii u danbeysay waxaa ku dhintay afar caruur ah iyo qof haween ah, waxayna ka dhacday meel u dhow Ceelwaaq.
Maxamed Xuseen Faarax iyo qaar kale oo kamid ah dadka ku nool deegaanadaasi ayaa Wariyaha VOA ee Jubbooyinka Khadar Maxamuud Xareed uga warramay cabashadooda.