Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yurub oo ka Arrinsanaya Mustaqbalkooda


Madaxda lixda wadan ee aasaasay Midowga Yurub ayaa kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka maanta oo Sabti ah si ey uga arrinsadaan mustaqbalka Midowga Yurub, iyagoo dhinaca kalena ugu baaqay Britain inay degdejiso ka bixisteeda Midowga Yurub.

Wasiirka Arrimaha Debadda ee Jarmalka, Frank-Walter ayaa kullanka ka dib sheegay in ujeedada kulankoodu uu ahaa sidii ay Britain u bilaabi laheyd ka bixisteeda Midowga reer Yurub sida ugu macquulsan ee ugu dhaqsiyaha badan.

Waxa uu sheegay inay doonayaan inay diiradda saaraan mustaqbalka yurub oo aysan dooneyn in arrinta Britain ay u xayirnaadaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Fransiiska Jean-Marc ayaa sheegay inaysan dooneyn in galaan hubaal la’aan u horseeda Yurub cawaaqib dhaqaale iyo mid siyaasadeed sidaa darteeda ay doonayaan in si deg deg ah ay Britain u dhameystirto hanaankeeda ka bixista Midowga Yurub.

Kullankan oo ka dhacay dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ee magaalada Berlin ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay wasiiro arrimo dibadeedyada dalalka Netherlands, Talyaaniga, Belgiumka iyo Luxembourg oo dhamaantood ah dalalkii lagu aas aasay Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG