Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Iibsanaysa Diyaaradaha Boeing


Mideast Iran Boeing
Mideast Iran Boeing

Shirkadda diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalkan Maraykanka ee Boeing ayaa heshiis la gaadhay dalka Iran inay ka iibiso illaa 100 diyaaradood oo nooca rakaabka ah.

Masuuliyiinta hay’adda duulimaadka ee Iran oo warkan laga soo xigtay ayaa intaas raacisay in heshiiskani ka mid yahay saddex heshiis oo kala duwan oo Iran ay la gashay shirkadaha reer Galbeedka ee soo saara diyaaradaha, taas oo ay filayaan inay ka iibsadaan illaa 200 oo diyaaradood ka dib markii Maraykanku uu cunaqabataynta ka qaaday dalkaas bishii January.

Cali Abedzadeh oo ah madaxa duulimaadyada rayidka ah ee dalkaas ayaa sheegay in dalkoodu leeyahay illaa 250 diyaaradood taas oo 230 ka mida ay rabaan inay bedelaan.

Boeing ayaa illaa hadda ogolaansho ka sugaysa Wasaaradda Maaliyadda ee dalkan Maraykanka, waxaana heshiiskan kala iibsiga diyaaraduhu uu xaddigoodu gaadhayaa illaa $17 Bilyan oo Dollar.

Bishii January, waxaa heshiis kan la mid ah ay Iran la gaadhay shirkadda Airbus ee laga leeyahay qaaradda Yurub iyada oo ka dalbatay illaa 118 diyaaradood hase ahaatee heshiiskaas laftiisu wuxuu sugayaa in Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanku ay ogolaato meelmarintiisa.

XS
SM
MD
LG