Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Belguim: 12 Loo Qabtay Falal Argagixiso


Ciidamada Booliska ee dalka Belgium ayaa xidhay 12 qof oo loo tuhmayo falal argagixiso, ka dib markii ciidamada ammaanku ay hawlgallo kala duwan ka sameeyeen tobanaan guri oo ku yaalla daafaha dalkaas.

Hawlgalkan ayaa socday habeenimadii Jimcaha illa saaka sabtidii, sida laga soo xigtay xafiiska xeer ilaalinta ee dalkaas.

Warka ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in boolisku ay baadhitaan ka sameeyeen guryo ku kala yaalla illaa 16 xaafadood oo badankoodu ku yaalla ama ku hareeraysan caasimadda dalkaas ee Brussels, waxaana guryahaas laga soo xidhay illaa 40 qof oo waraysiyo kala duwan lala yeeshay.

Dadkaas illaa 12 ka mida ayaa rasmiyan loo xidhay.
XS
SM
MD
LG