Isku xirrada

War Deg-Deg ah

50 ku Dhimatay Weerarka ka Dhacay Orlando, Florida


Weerar saqdii dhexe ka dib ka dhacay magaalada Orlando, gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa waxa ku dhintay 50 qof. Weerarkan oo ka dhacay goob lagu caweeyo ayaa wararku sheegayaan inuu geystay Cumar Sadiiqi Matiin oo haysta dhalashada Maraykanka, hase yeeshee asal ahaan dalka Afghanistan ka soo jeeda.

Booliiska ayaa xoog ku galay dhismihii wax ka dhaceen iyaga oo toogasho ku dilay ninkii weerarka geystay, isla markaana soo badbaadiyey dadkii goobta caweyska ku jiray. 53 qof oo kale ayaa weerarka ku dhaawacmay.

Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka ee FBI ayaa sheegay in weerarkan ay dadka badani ku dhinteen loo baari doono sidii mid argagixiso.

Aqalka Cad ayaa soo saaray warbixin sheegaysa in Madaxweye Obama arrinta lala socodsiiyey. Warbixintan ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu amray xukuumadda dhexe in dambi baarayaasha dhacdadan la siiyo wixii ay u baahdaan. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu uu u tacsiyeeyey qoysaskii laga baxay.

XS
SM
MD
LG