Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Lagu Helay Qaraxyadii Kampala Oo Xabsi Daa'in Lagu Xukumay


Uganda map
Uganda map

Maxkamad Uganda, ayaa xabsi daa’in ku xukuntay shan ruux oo lagu heley inay ka dambeeyeen weerarkii argagixisnimo eek a dhacya July 2010 magaalada Kamabala ee dalka Uganda, halkas oo ay ku dhinteen 76 ruux.

Qaaddiga maxkamadda oo layiraahdo Alfonse Owiny-Dollo, ayaa xukunka ku ridey dadkaasi Jimcaha maanta, maalin uun ka dib markii ay maxkamaddu dambiga ku hshey. Waxay sido kale maxkamadda 50 sano ku xukuntay laba ruux oo kale oo ka mid ahaa dadkii dambiga lagu helay.

Kooxda al-Shabaab, ayaa weerarkaasi lix sana kahor ka dhacay Uganda sheegatay inay iyadu masuul ka aheyd, markaa soo lagu qaaday goobo dadku ay ku daawanayeen cayaarihii kama dambeysta ee koobkii adduunka.

Alshabaab ayaa weerarkaasi ku macneysay inay aheyd digniin ay u jeedineysay Uganda si ay ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM Soomaaliya ugala baxdo.

Qaadiiga, ayaa ISsa Ahmed Luyima, oo Ugandes ah waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradaasi.

XS
SM
MD
LG