Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Maxkamadeynta 3 Soomaali ah oo dib u Billaabaneysa


Hooyo Ayaan Maxamed Faarax
Hooyo Ayaan Maxamed Faarax

Saaka ayaa waxaa mar kale bilaabanaya dhageysiga dacwada loo heysto saddex will oo Soomaali-Mareykan ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyey ina ay doonayeen in ay taageero siiyaan kooxda argagixisada ee ISIS, dilalna ka geystaan dibada Mareykanka.

Dhanka dowlada ayaa la filaa in ay labada cisho ee soo socta soo dhameystirto cadeymaha ay dacwadan u heyso.

Qareenada difaacaya Mohamed Abdihamid Farah, Abdulrahman YAsin Da'ud iyo Guled Ali Omar ay iyagana su’aalo weydiin doona marqaatiyaasha, iyago dhan koodana soo bandhigi doonaa waxyaabaha ay ku difaacayaan kuna xaqiijinayaan in aysan wiilashan danbi laheyn.

Maxkamadan ayaa waxaa qareen ka ah Xaakin lagu magacaabo Michael J. David, sidoo kalena waxaa dhageysanaya gudi xeerbeegti ah oo marka ugu danbeysa go’aan ka gaari doona dacwadan loo heysto wiilasha.

Soomaali badan ayaa aroor walba timaada maxkamadan si ay dacwada u dhageystaan, sidoo kalena waxaa jooga kooxo u ololeeya inaan la faquuqin muslimiinta, kuwo u ololeeya isdhexgalka bulshada, sidoo kalena warbaahinta gobolka Minnesota ayaa maalin walba tuban afaafka hore ee maxkamada.

XS
SM
MD
LG