Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Maalintii Labaad ka Socda Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Dagaal ayaa maalintii labaad si goos goos ah uga socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo shalay ka bilowday magaalada ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo horey xurgufi u dhex martay dhowr jeer.

Inta la ogyahay ilaa iyo sideed qof oo isugu jira shacab iyo dhinacayadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka 10 kalena wey ku dhaawacmeen.

Maamulka magaalada oo VOA la hadlay ayaa sheegay inaysan awood u laheyn in laba maleeshiyo ee dirireysa ay kala dhex galaan.

Dagaalka ayaa saameyeeyay nolosha magaalada, iyadoo dad fara badan ay guryahooda ka bara kaceen, ganacsigii iyo dhadhaqaaqii gaadiidkuna wuu istaagay.

Dagaaladan ayaa ku soo beegamay xiilo qeybo ka mid ah magaalada looga barakay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

XS
SM
MD
LG