Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjire Axmed Cabdi Xasharo oo Geeriyooday


Ottawa,Canada
Ottawa,Canada

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey QM Axmed Cabdi xaashi Xasharo ayaa xalay ku geeriyooday magaaladda Ottawa ee dalka Canada.

Xasharo ayaa la-taliyaha dhinaca xiriirka arrimaha dibedda u ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danire Xasharo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Ottawa, uuna u geeriyooday xanuunkaas.

Allah u naxariistee marxuum Axmed Cabdi Xaashi Xasharo waxaa uu sannadkii 1939-kii ku dhashey magaalada Laas Caanood. Waxaa uu ka soo shaqeeyey wasaaradihii Garsoorka, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Waxaa uu Soomaaliya danjire uga soo noqdey Jamhuuriyaddii Jarmalka Bari iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Danjire Axmed Cabdi Xaashi Xasharo.

XS
SM
MD
LG