Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Norway Oo Dhalashada Kala Noqotay Dad Soomaali Ah


Norway
Norway

Dalka Norway ayaa dhawaan dhalashadii dalkaasi kala noqoday dad ay ku jiraan Soomaalida wadankaas ku nool qaarkood, iyada oo qaar kalena loo diiday in degananaashiyahii loo cusboonaysiiyo.

Dhacdooyinkan ayaa qayb ka ah isbedello dhinaca siyaasadda ah oo ka jira dalalka ku yaalla waqooyiga Yurub oo la tacaalaya qulqulka dadka muhaajiriinta ah.

Dadka dhalashada lagala noqday ayaa qaarkood la daba-galay boggagooda facebook, lana baaray magacyada ay isticmaalaan iyo sawirrada ay soo dhigaan facebook.

Waxaa sidoo kale qaarkood lagu eedeeyey inay haysteen dhalashada dalal kale oo Afrikaan ah, oo aan Soomaaliya ahayn.

Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Oslo ee caasimadda Norway, ayaa arrintan walaac ka muujiyey.

Xuseen Barre ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Norway oo dhalashada kala noqotay Soomaali
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:15 0:00

XS
SM
MD
LG