Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry Oo Mart-gelinaya Kulan Looga Hadlayo Xaaladda Libya


Dowladda Libya iyo caqabadaha amni ee haysta ayaa diiradda la saari doona marka diblomaasiyiin ay maanta ku kulmaan magaalada Vienna, si ay uga hadlaan xaaldda dalkaas oo qalalaasooyin ay ka jireen tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Gadhafi, sanaddii 2011.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry iyo wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Paolo Gentiloni ayaa mart-gelinaya kulanka oo lagu taageerayo dowladda heshiiska qaran, oo reer galbeedku ay rajeynayaan inay mideyn doonto Libya.

Dowladda, caalamka uu aqoonsan yahay ayaa caqabado kala kulmeysa koox badan oo mucaarad ah.

Dowladda cusub ayaa waxaa sidoo kale ay halis ka wajaheysa kooxda Daacish oo saldhigyo ka sameysatay magaalada bartmaha dalkaas ku taalla ee Tripoli, halkaasi oo weeraro qorsheysan ay uga qaadaan dalka Tunisia.

Sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegay in dhammaan ka qeyb galayaasha kulanka maanta ay isku raaci doonaan in Daacish ay tahay dhibaatada ugu weyn ee gobolka iyo Libya ka jirta.

XS
SM
MD
LG