Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Ka Dhacay Duleedka Baghdad Oo 12 Qof Lagu Dilay


Iraq
Iraq

Ugu yaraan 12 qof ayaa la dilay, 15 kalena waa la dhaawacay kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen baar laga qaxweeyo oo ku yaalla magaalo dhacda woqooyiga Baghdad, sida ay sheegeen saraakiisha Ciraq.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in saddex nin oo hubeysan ay weerareen maqaaxida oo ku taalla magaalada Shiicada ay ku badan yihiin ee Balad, kadibna ay rasaas ku fureen saqdii dhexe ee xalay.

Markii Booliiska ay yimaadeen goobta, ayaa laba ka mid raggii weerarka soo qaaday ay qarxiyen jaakado walxaha qarxa lagu soo xiray oo ay xirnaayeen.

Magaalada Balad oo 80 KM u jirta Woqooyiga Baghdad ayaa si aad ah loo ilaaliyaa, waxaana jirta saddex bar kontrool oo dadka lagu baaro inta aan lasoo gelin, taasi oo raggii weerarka soo qaaday ay qasab ahayd inay soo maraan, sida uu sarkaal u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarka ayaa yimid laba maalin kadib markii weeraro ismiidamain ahaa ay 80 qof ku dileen magaalada caasimadda ah ee Baghdad.

XS
SM
MD
LG