Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka Oo Gabar Soomaali Ah Casuumay


Asha Hassan
Asha Hassan

Abaalmarinta Dhalinyarada kusoo baxaya dhinaca hoggaannimada dunida ayaa sanandkan la siiyey toban dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 16-24 sano.

Abaalmarinta Dhalinyarada kusoo baxaya dhinaca hoggaannimada dunida ayaa sanandkan la siiyey toban dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 16-24 sano, kuwaasi oo waddankan Maraykanka ku maray safar ay ku arkayaan nolosha waddankan isla markaana lagu siinayo tababaro xirfadeed oo kala geddisan.

Dhalinyaradan waxaa ka mid ah Caasha Xasan Maxamuud oo ka timid magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Caasha oo nagu soo booqatay daarta VOA ee Washington ayaa ka hadashay safarkeeda, iyo weliba fal-celin ay ka samaysay hadalo lagu daabacay warbaahinta qaarkeed oo ay sheegtay inaan loo tebinin sidii ay ahayd.

Waraysiga Caasha Xasan
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:46 0:00

XS
SM
MD
LG