Dagaal u dhaxeeya dagaalyahano xiriir la leh Al-Qacida iyo ciidamada dowladda Syria oo ka dhacay xaafado ku dhow magaalada Aleppo, ayaa waxaa ku geeriyooday 73 qof, sida ay sheegtay koox la socota arrimaha xuquuqdada aadanaha Syria.
Dagaalyahanada ayaa waxaa u suurta galay inay dib u qabsadaan xaafadda Khan Touman iyo xaafadaha kale ee ku harreereysan, kadib dagaal maalin socday oo ay la galeen ciidamada dowladda.
Xaafaddan ayaa waxa ay 15 KM dhinnaca koonfur galbeed kaga taallaa magaalada Aleppo. Waa xaafad muhiim u ah dagaalyahanada, sababta oo ah waxa ay ku dhowdahay waddo weyn oo isku xirta magaalooyinka Aleppo iyo Dimishiq.
Weerarka ayaa waxaa qaaday dagaalyahanada muqaawamada ah ee Jaish al-Fatah, oo dhowaan diiday dadaallo ay wadaan Mareykanka iyo Russia oo xabad joojin looga hir-gelinayo magaalada Aleppo.
Dadka dagaalkan ku dhintay, ayaa 43 ka mid ah waxa ay yihiin mucaaradka halka 30 ay ka tirsanayaaeen ciidamada dowladda.