Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mushahar Dhimista Ciidamada AMISOM


Ciidamada Amisom
Ciidamada Amisom

Midowga Yurub ayaa difaacay lacag dhimistii 20% ka aheyd ee uu ku sameeyay qarashaadkii uu ku taageeri jiray mushaaraadka ciidamada Amisom.

Midowga Yurub ayaa difaacay lacag dhimistii 20% ka aheyd ee uu ku sameeyay qarashaadkii uu ku taageeri jiray mushaaraadka ciidamada Amisom ee Somalia ku sugan.

Isagoo ka hadlayay magaalada Muqdisho, ayuu danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervone D'urso waxa uu sheegay in qarash dhimistu aysan ka dhigneyn in la dayacayo howsha muhiimka ah ee ay Amisom ka waddo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la taageero ciidamada qalbaka sida ee Soomaaliya.

Sanad walba Midowga yurub ayaa ku tabaruca Amison lacag gaareysa 200 oo malyuun oo dollar.

Wariyeheenna, Jacafar Kuukay ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Muqdisho.

Warbixin: Jacfar Kuukaay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:00 0:00

XS
SM
MD
LG