Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida UK Oo Wada Olole ka Dhan ah Tahriibka


Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool dalka Britain ayaa bilaabay in ay soo saaraan heeso guubaabo ah oo ka dhan ah tahriibka.

Tan iyo markii horaantii bishan ay banaanka u soo baxday in 100-laal soomaali ah oo dhalinyara ah ay ku dhinteen badweynta Mediterranean ee u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga kadib markii doonidii ay saaraayeen ay la dagtay ayaa waxaa soo kordhaya hadal-haynta iyo goobaabada lagaga hortagayo khataraha lagala kulmo tahriibta.

Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool dalka Britain ayaa bilaabay in ay soo saaraan heeso guubaabo ah, sidoo kalana mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee London ku nool ayaa dhowaan madaxweyne Brack Obama oo London kula kulmay dhalinyarada Britain la wadaagay dhalinyaradii dhowaan geeriyootay Allaha u naxariistee xilli ay tahriibayeen.

Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixin gaar ah ku eegayaa dareenkaasi sii xoogaysanaya ee ka dhashay dhimashadii faraha badnayd oo guud ahaan saamayn ku yeeshay dadka soomaaliyeed.

Warbixinta Ridwaan
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00

XS
SM
MD
LG