Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saxafiyiin lagu Maxkamadaynayo Somaliland


Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca saxafiyiinta ee CPJ ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay si degdeg ah uga noqdaan eedaha ay ku soo oogeen saxafiyiin kala duwan, si loo hubiyo inay shaqadooda qabsadaan iyaga oo aan cabsi dareemayn.

Illaa saddex weriye ayaa manta loo asteeyey in maxkamadaha Somaliland ay dacwado uga bilabato, halka saxafi ka mid ah uu haatan xabsi ku jiro iyada oo aan weli wax dembi ah lagu helin.

Muuse Jaambiir oo guddoomiye ka ah wargeyska Ogaal ayaa maanta ay dacwadi uga bilmaysaa maxkamadda Gobolka Hargeisa, iyada oo loo haysto eedo la xidhiidha inuu daabacay warar aan sugnayn oo uu wax kaga sheegayo madaxweynaha iyo marwada koowaad.

Jaambiir ayaa u sheegay CPJ in qoraallada uu ka helay ciidamada boolisku ay muujinayaan in loo haysto warar uu ka qoray in shirado-dawli ah gacanta loo geliyey dad gaar ah.

Cabdirashiid Nuur oo isna Guddoomiye u ah Wargeyska Hubsad iyo Siciid Khadar Cabdullaahi oo tifatire ka ah wargeyskaas ayaa Iyana loo haystaa eedo la xidhiidha ina soo saareen wargeys aan sharci haysan sida uu CPJ u sheegay Guuleed Axmed Dafac oo ah Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland.

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka ee Somaliland ayaa 13-kii bishan April ku xidhay magaalada Borama Maxamed Cumar Jaray oo ah saxafi u shaqaynayey shabakadda Borama News.

XS
SM
MD
LG