Sidii aad idaacadaheenni shalay iyo xalay ku maqleyseen, boqolaal dhalinyaro African ah oo Somali baddan ay ku jiraan ayaa la sheegay inay ku dhinteen doonyo ku qalibnay badda Medetaraniyanta iyagoo u sii tahriibaya yurub.
VOA ayaa dad kala duwan iyo qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday shilalkan wax ka weydiineysay sida wax u dhaceen, in kastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya dhacdooyinka.
Hadaba wararkii ugu dambeeyay waxaa inoo soo koobaya wariyeheenna Ismaaciil xuseen Farjar.