Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo la Hadlay Golaha Ammaanka


Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixin ka dhageystay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay maanta arrimaha Somalia ka yeesheen oo ka dhacay magaalada New York waxey warbixin uga dhageysteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dhallinyaro Somaliyeed oo la sheegay inay ku dhinteen dhawaan badda Medetereeniyaanka iyagoo u tahriibaya Yurub, horumarka siyaasdeed ee ay ku talaabsatay Somalia, doorashooyinka dhamaadka sanadkan dhacaya, dhismaha maamul goboleedyada Federaliga ah, amaanka iyo taageerada ay u baahanyihiin ciidamada Somalia iyo Kuwa Midowga Africa AMISOM si ey u sii wadaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xasan ayaa Khudbadda Madaxweynaha inoo soo koobaya.

Xasan oo la hadlay UN
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:51 0:00

XS
SM
MD
LG