Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Abaaruhu Ay Saameeyeen Oo La Gaarsiinayo Kaalmo


Laba ka mid ah hay’addaha caalamiga ah ee gar-gaarka ka shaqeeya ayaa sheegay inay kor u qaadayaan dadaalkooda ay ku caawinayaan dadka dagan meelaha ay abaaruhu ka jiraan ee Somalia.

Hay’adaha UNICEF iyo WFP ayaa sheegay inay kaalmo degdeg ah oo naf-bad-baadin ah ay gaarsiinayaan dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku u nool Somaliland iyo Puntland.

Xaaladdaha abaarta ayaa sababay oo ku riixay labadan hay’adood inay bixiyaan cunto, barnaamijyo nafaqayn ah iyo gar gaar caafimaad ah, iyo taageerro, ku aadan biyaha iyo waliba kor u qaadida nadaafadda.

UNICEF iyo WFP ayaa sheegay in 385,000 oo qof ay gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin, halka ay 1.3 million qof oo kalena ay xaaladoodu halis gali karto, haddii abaartu sii jirto ama ay kaalmadu ka soo daahdo..

Wakiilka UNICEF ee Somalia Steven Lauwerier ayaa sheegay in dad badan ay ku jiraan xaalad daran oo kaalmo deg-deg ah u baahan, wuxuuna sheegay in “dadaalkooda wadajirka ah loo baahan yahay imika si loo bad-baadiyo nolosho kumanaankun oo caruur ah iyo qosaskooda. Wakiilku wuxuu sheegay in daahid ama dib u dhac ka yimaada dhinaca beesha caalamka ah ay nolosha dadkaasi halis galin karto.

Roob yari ka jirtay waqooyiga Soomaaliya afartii xilli ee la soo dhaafay, ayaa waxaa uga sii dartay, dabeysha Elnio, oo ah dabeyl isugu jirtay qabow iyo diirimaad ee badda Pacific, taasoo lala xiriiriyay isbeddelka dunida ee heerkulka iyo roobabka.

XS
SM
MD
LG