Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Greece: Muhaajiriin La Masaafuriyey Maanta


Muhaajiriinta oo koraya markab lagu masaafurinayo.
Muhaajiriinta oo koraya markab lagu masaafurinayo.

Masaafurinta dadkan ayaa qeyb ka ah heshiis bishii March dhex maray Turkiga iyo Midowga Yurub, oo muhaajiriinta dib loogu celinayo dalka Turkiga.

Greece iyo Midowga Yurub ayaa billaabay inay muhaajiriinta ka daad gureeyaan jasiiradaha Lesbos iyo Chios, ayaga oo u diraya dalka Turkiga.

Masaafurinta dadkan ayaa qeyb ka ah heshiis bishii March dhex maray Turkiga iyo Midowga Yurub, oo muhaajiriinta dib loogu celinayo dalka Turkiga.

Inkasta oo la saadaalinayey inay rabshado ka dhalanayaan masaafurinta, haddana markabkii ugu horreeyey ayaa maanta ka baxay jasiiradda Lesbos, ayada oo aysan rabshado dhicin, inkasta oo uu jiro mudaahaaraad kooban.

Saraakiisha ayaa billaabay inay dadka basas kaga daad gureeyaan xerada Moria, kadibna ay geeyaan magaalada Mytilini, halkaas oo ay markabka ka raacayaan.

Sarkaal ka tirsan dowladda Greece ayaa VOA-da u sheegay in 202 qof lagu daadgureeyey saddex Markab oo u baxay dalka Turkiga.

Laba ka mid ah maraakiibta ayaa ka tagay jasiiradda Lesbos, waxaana saarnaaa 136 qof, halka 66 muhaajiriin ahna ay Markab ka raaceen jasiiradda Chios.

XS
SM
MD
LG