Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabashado ka Dillaacay Caasimadda Congo


Qariiradda Congo
Qariiradda Congo

Waa rabashadihii ugu weynaa ee ka dillaaca dalkaas tan iyo markii madaxweyne Denis Sassou Nguesso dib loo doortay bishii tagtay.

Booliiska caasimadda Jamhuuriyadda Congo ayaa waxa ay maanta rasaas culus isweydaarsadeen koox dabley ah oo aan la aqoonsan.

Waa rabashadihii ugu weynaa ee ka dillaaca dalkaas tan iyo markii madaxweyne Denis Sassou Nguesso dib loo doortay bishii tagtay.

Is-rasaaseynta ayaa waxa ay ka dhacday xaafadaha Bacongo iyo Mekeleke ee magaalada Brazzaville. Weli ma jiraan wax warar ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Nguesso ayaa markii ugu horreysay madaxweynaha dalkaas ahaa intii u dhaxeysay 1979 illaa 1992-kii, waxaana markii doorasho looga adkaaday uu dib xukunka ugu soo laabtay 1997-kii.

Waxa uu sanadihii 2002 iyo 2009-kii ku guuleystay doorashooyin muran dhaliyey kahor inta uusan ansixin u helin inuu dastuurka ka saaro qodobo ka hor istaagayey inuu mar kale madaxweyne noqdo oo ahaa da’da iyo inaan qofka loo ogoleyn in laba mar ka badan la doorto.

Waxaa dib loo doortay labatankii bishii March ee sanadkan.

Nin Jeneraal ciidan ah oo kaalinta saddexaad ka galay doorashada ayaa sheegay in doorashada la qiyaameeyey, wuxuuna ku baaqay amar diido rayid oo uu kaga cabanayo natiijada doorashada.

XS
SM
MD
LG