Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudane Keith Ellison oo u Waramay VOA


Keith Ellison
Keith Ellison

Mudanaha laga soo doorto gobolka Minnesota ee Congaresska Maraykanka Keith Ellison ayaa idaacdada VOA siiyey waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayo hadallada adag ee ay musharrixiinta madaxweynennimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga ee ku jeeda bulshada islaamka ah.

Musharraxa hoggaaminaya Jamhuuriyiinta Donald Trump ayaa hore ugu baaqay in muslimiinta si ku meelgaadh ah looga mamnuuco Maraykanka isagoo hadalkaasina jeediyey bishii Diisambar kadib weerarkii ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka Californiya oo ay ku dhinteen 14 qof, dilkaasina waxaa gaystay nin iyo xaaskiisa oo Muslim ah.

Dhowaanna musharraxa kale ee Jmahuuriga Ted Cruz ayaa kadib weerarkii ka dhacay magaalada Brusells ee Biljamka jeediyey hadal ku talinaya in si gaar ah kormeer loogu sameeyo xaafadaha ay degaan dadka Muslimiinta ah dalkan maraykanka.

Siyaasiyiinta kale iyo bulshada Muslimiinta ayaa haddaba hadalladaasi cambaareeyey.

Siyaasiyiintaasi waxaa ka mid ah xildhibaanka Keith Ellsion oo Muslim ah lagana soo doorto Gobolka Minnesota.

Wariyaha VOAda ee Gobolka Minnesotta Maxamuud Mascadde ayaa wareysi gaar ah la yeeshay, mudane Keith Elison, qaybta hoose ee boggan ka dhegayso Wareysiga oo ku bilaabanaya salaan iyo ismarxabeyn, waxaana Mascaddela soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan iyo Ismaaiil Xuseen Farjar.

Dhegayso: Waraysiga Mudane Keith Ellison oo dhamaystiran
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:29 0:00

XS
SM
MD
LG