Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xus loo Sameeyey Weerarkii Gaarisa, Kenya


Hal sano ayaa ka soo wareegtay markii weerarka lagu qaaday jaamacadda Gaarisa, halkaas oo lagu dilay illaa 148 qof.

Ardayda wax ka barata Jaamacadda Gaarisa ayaa xus u sameeyey sannadguurada koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixiso, halkaas oo ay ku xasuusanayeen qaar badan oo ka mida saaxiibadood oo goobtaas ku dhintay ka dib markii ururka alshabaab uu weeraray goobihii ay hurdeen, waxaana weerarkaasi ku soo dhammaday illaa 16 saacadood.

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan xuska tacsi oo dadkii dhintay loo dhigayo, iyaga oo la kulmaya dhaleecayn ku saabsan in kaalintoodu ay yareyd, maalmihii weerarka xigay.

XS
SM
MD
LG