Jimcahan maanta ah jimcihiisa toddobaadka dambe waxaa dalka Jabuuti looga dareerayaa doorashada madaxweynennimo ee dalkaasi oo ay ka qeyb galayaan lix musharrax oo uu ka mid yahay madaxweynaha talada haya Ismaaciil Cumar Geelleh oo waddankaasi soo xukumayey 17 sano.
Musharraxiinta qaarkood ayaa dhalliilo usoo jeeidnaya dawladda iyo waxqabadkeeda; waxaa sidoo kale ay musharrixiinta madaxweynenimo ka cabanayaan maalmihii lasoo dhaafay in sawiarrada musharrixiinta aan lagu dhejin waraaqaha codbixinta.
Arrimahaas iyo jawaabta dowladda ayaan ku eegeynaa barnaamijka faaqidaadda, waxaa Jabuuti kusoo diyaariyey weriyaheena Ramadaan Muuse.