Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo Isku Rasaaseeyey Xamar


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday ilaa 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseynta ka dhacday degmada Kaaraan.

Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday ilaa 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn duhurnimadii maanta Suuqa Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ku dhex martay ciidamo dowladda ka wada tirsan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee degmada Kaaraan Saalax Maxamed Muuse ayaa VOAu sheegay in is-rasaaseyntu ay timid markii uu is-garanwaa iyo kala shaki soo kala dhex galay ciidamo ka tirsan kuwa degmada Kaaraan iyo Sarkaal ka tirsan Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya.

Qofka dhintay oo Dhallinyaro ahaa ayaa geeriyooday intaanan Isbitaalka la gaarsiin halka dhaawaca Saddexda kale oo dhamaantood odayaal ah haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho.

Saalaxa waxa uu VOA u sheegay in dhaawaca mid ka mid ah saddexda ruux uu aad u liito, isagoo intaa ku daray inaanan wali gacanta lagu soo dhigin raggii isku rasaaseeyay bartamaha Suuqada Degmada kaaraan.

XS
SM
MD
LG