Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF iyo Puntland oo ka Hadlay Shabaabka Tagay Puntland


Maleeshiyada al-Shabaab
Maleeshiyada al-Shabaab

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato wixii lagu sugayo amniga Puntland, kadib makrii dhowana ay degaamada Puntland tageen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab. Maxamed Cumar Carte ayaa VOA u sheegay in ujeeddada dawladda tahay ay in Al-Shabab aysan u guurin deegaanno nabad ah. Isagoo jooga magaalada London ayuu Falastiin Axmed Iimaan uga warramay sida uu u arko dhaqdhaqaaaqa Al-Shabab ee degaanada Puntland.

Dhageyso DF oo Ka hadashay in AMISOM la geyo puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:25 0:00


Dhinaca kalena madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna VOA u sheegya in Puntland aysan u baahnayn wax ciidamo ah oo ka socda AMISOM in la geeyo degaannada Puntland, isagoo sheegay inay Puntland isku filan tahay, balse loo baahan yahay in Puntland la siiyo wixii taakulayn ah ee la siiyo cidanka Soomaaliya. Mar uu nagu soo booqday Istuudiyaha VOA ee Washington ayuu Xuseen Barre Aadan uga warramay inuu la socdo tirada saxda ah ee Al-Shabab ee galay Puntland.

Dhageyso Puntland oo Diidey Ciidamo Shisheye
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:24 0:00

XS
SM
MD
LG