Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taageerayaasha iyo Mucaaradka Trump oo Isku Dhacay


Dadka qaar ayaa ku eedeynaya murashaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trumpee u ordaya in xisbigiisu in ay u xushaan murashaxoodda doorashada Madaxtinimo ee dalkan Mareykanka ka qabsoomeysa bisha November ee soo socota inuu abuuray rabshado ka dhan ahaa dad dibad baxayay oo ka soo horjeeda ololihiisa doorasho , taasoo keentay inuu baajiyo isu soo bax uu ku qaban lahaa magaalada Chicago, fiidkii Jimcaha.

Kummanaan dad ah oo isu soo baxay iyo taageerayaasha Mr. Trump ayaa isku dhacay, ka hor xitaa intii uusan qorsheynin inuu halkaa tago.

Trump, ayaa diiday rabshado ay sameyaan taageerayaashiisa isagoo ku tilmaamay in taasi ay jebineyso xaqa dastuuriga ah ee dad u ogolaanaya inay sax ah u hadlaan.

Trump, ayaa horey u qorsheeyay inuu la hadlo taageerayaashiisa, ka hor doorashada dadku ay u codeynayaan xubnaha xisbiga ee hadda targanka ku haray ee ka dhacaya gobolka Illinois talaadada soo socota.

Ragga ku eedeeyay Trump inuu sabab u ahaa rabshadihii ka dhacay Illinois waxaa ka mid ah Marco Rubio oo ka mid ah murasixiinta Jamhuuriga ee weli doorashadan u taagan.

XS
SM
MD
LG