Cabdikariim Xuseen Guleed, Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Cadaado ka sheegay in dowladda dhexe ay kaligeed go'aan ka qaadatay qaabka doorashada, kadib markii madaxda Soomaalidu heshiin wayday.
Guuleed ayaa tilmaamay in qodobbadaasi aysan 100% aheyn waxay shacabkii Galmudug rabeen, oo aysanna jirin cid si gaar ah waxay u rabtay u heshay.
Warbixin ku saabsan hadalkii Guuleed waxa inoo soo koobaya Jamaal Axmed Cismaan.