Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil iyo U.S.A oo Ka Hortagaya Cudurka Keena Zika


Pietro Rafael, who has microcephaly, reacts to stimulus during an evaluation session with a physiotherapist at the Altino Ventura rehabilitation center in Recife, Brazil, Jan. 28, 2016.
Pietro Rafael, who has microcephaly, reacts to stimulus during an evaluation session with a physiotherapist at the Altino Ventura rehabilitation center in Recife, Brazil, Jan. 28, 2016.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Brazil ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen dadaalo iskaashi oo muhiim ah, sida ay sheegeen, kuwaas oo lagula dagaalamayo cudurka uu keeno viruska Zika.

Ka dib markii labadan hogaamiye ay wadahadal yeesheen Jimcihii shalay, ayaa Aqalka Cad ee Maraykanku uu soo saaray warbixin uu ku sheegay in madaxweyne Barack Obama iyo madaxweynaha Brazil, Dilma Rouseff, ay garwaaqsadeen muhiimadda wadashaqeynta, si aqoonta loo balaariyo, cilmi baarista loo horumariyo, isla markaana loo deddejiyo sameynta talaalo lagaga hortago fiditaanka viruska Zika.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ka digtay in Zika uu si baahsan uu ugu fidi karo labada qaaradood ee America, isla markaana uu waxyeeli karo dad gaaraya ilaa 4 milyan.

XS
SM
MD
LG