Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nkurunziza Oo Diiday Ciidan Nabad Ilaalin Ah

Danjiraha Mareykanka ee Q.M (Midig 2aad) Samantha Power oo la hadleysa Danjirayaasha Golaha Amaanka ee Q.M. January 22, 2016, intii uu socday wada hadalkii madaxweynaha Burundi ee hoygiisa bannaanka caasimadda Bujumbura.

Xubno ka socday golaha ammaanka ee Q.M. oo Afrika u joogay xal u helidda waddanka Burundi, ayaa dib ugu soo kicitimay magaalada New York, oo ay markii hore ka ambabaxeen.

Xubno ka socday golaha ammaanka ee Q.M. oo Afrika u joogay xal u helidda waddanka Burundi, ayaa dib ugu soo kicitimay magaalada New York, oo ay markii hore ka ambabaxeen.

Xubnahan, ayaa niyad jab kala kulmay kulan ay la yeesheen madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza, kaas oo diidey in ciidamo nabad ilaalinteed oo ka socda Midowga Afirka la geeyo waddankiisa, si ay u xaqiijiyaan jawi wada hadal dhameystiran oo dhex mara mucaaradka iyo dowladda Burundi.

Safiirka Mareykanka ee Q.M. Samantha Power, ayaa war fidiyeennada ugu sheegtay caasimadda Addis Ababa in midowga Afrika uu ka xaajoon doono tallaabada xigta maaddama ciidamadiii uu ururku soo jeediyay la diidey.

Hadalkaasi ayay ka sheegtay magaalada Addis Ababa ee xarunta midowga Afrika kadib kulan laba saacadood qaatay oo ay la yeesheen golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika.

XS
SM
MD
LG