Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tsai Ing-wen oo Doorashada ku Guuleystay


Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Taiwan, Tsai Ing-wen ayaa ku guuleysatay doorashadii maanta dalkaasi ka dhacday, waxaana lagu wadaa inay noqoto haweenaydii ugu horreysay ee madaxweye ka noqoto Jaziiradda Taiwan.

Natiijada codbixinta ayaa xaqiijinaysa guusha Tsai ay ka heshay musharraxa la tartamayay ee xisbiga talada haya KMT ee Eric Chu, oo isagu qirtay in laga guuleystay.

Hadal ay jeedisay, ayay Tsai oo ka tirsan xisbiga horumarinta dimoqraadiyadda ee DPP, waxay bidhaamisay inay kor u qaadi doonto madaxbannaanida Taiwan, iyadoo sii wadi doonta xiriirka wanaagsan ee Taiwan ay la leedahay Shiinaha.

Maraykanka ayaa isla markiiba u hambalyeeyay Tsai.

XS
SM
MD
LG