Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US iyo Dahabshiil oo iska Kaashanaya Shaqo Abuurka Dhalinyarada


Caasimadda Dalka Uganda ee Kampala waxaa maanta ka qabsoomay kulan lagu abaal marinayey dhalinyaro ku guulaysatay in laga caawiyo dhinaca Ganacsiga, kuwaas oo helayey abaal marin lacageed iyo talo-siin dhinaca ganacsiga ah.

Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Dawladda Maraykanka iyo Shirkadda Dahabshiil kaas oo qayb ka ah Hindise uu soo jeediyey Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama markii uu booqday sannadkii hore Qaaradda Afrika oo la xidhiidhay in gacan la siiyo Dhalinyarada Afrika ee la timaadda Curinta dhinaca Ganacsiga.

Haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka Telefoonka ee Kampala kula xidhiidha Maamula Guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid:

Waraysiga Shirka Kampala
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00

XS
SM
MD
LG