Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Merkel: Hala Baddalo Sharciyada Qaar


Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa soo jeedisay in isbeddel adag lagu sameeyo sharciyada dadka soo galootiga ah ee Jarmalka ku nool.

Waxey soo jeedisay in la helo sharciyo fududeynaya in la masaafuriyo dadkaas haddii ay dambiyada ka geystaan gudaha Jarmalka.

Arrintan ayey kaga jawaabeysay, fara xumeyn loo geystay dumar xafladeynayay habeenkii sanadka cusub magaalada Cologne.

Wariyeheenna Cumar Xassan Axmed ayaa hadalkan ka soo yeeray Angela Merkel ka warystay, Cabdinasir Yaasiin, oo ah wariye madax banaan oo ku nool dalka Jarmalka.

Ka dhageyso qeybta hoose wareysiga arrintaasi.

Dhageyso Wareysiga Arrintaas
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:18 0:00

XS
SM
MD
LG