Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mexico: El Chapo oo Mar Kale Xabsiga la Dhigay


Saraakiisha Mexico ayaa Jimcihii shalay mar kale xabsiga u taxaabay Joaquin Guzman oo lagu naaneyso El Chapo. El Chapo ah oo ganacsade weyn oo dhinaca daroogada ah ayaa xabsiga ka baxsaday muddo 7 bilood ka hor ah.

Madaxweynah Mexicso Enrique Pena Nieto ayaa shaaciyey qabashada Mr. Guzman shalay aroortii. Fariin uu madaxweynuhu ku qoray bogiisa twitterka ayuu ku sheegay in hawlgalkii la dhameystiray, ninkii la doonayeyna gacanta lagu hayo.

El Chapo ayaa mar dambe warbaahinta la hor keenay, ka dibna helicopter lagu qaaday, isaga iyo mid kalkaaliyeyaashiisa ka mid ah, iyada oo labadaba xabsiga la geeyey.

XS
SM
MD
LG