Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel: 2 Falastiniyiin ah oo la Toogtay


Milteriga Israel ayaa sheegay in la toogtay laba Falastiiniyiin ah oo isku dayay inay tooriyeeyaan askar taagneyd bar kantarool oo ku taalla Daanta Galbeed.

Af-hayeen u hadashay cidiamada ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay dhinaca waqooyi ee Dooxada Jordan.

Waxa uu ka mid ahaa, uguna dambeeyay dhowr weerar oo is daba jog ahaa oo bilihii la soo dhaafay dhacayay, kuwaas oo ay dad Falastiinyiin ah ku qaadayeen ciidamada Israel, waxana weeraradaasi loo adeegsanayay middi, gawaari dar darsiin iyo xabbado toos ah.

XS
SM
MD
LG