Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalalka boqortooyada sucuudiga iyo Iiraan tan iyo 2 bishan markii dalka Sucuudigu ay dileen 47 qof oo uu kamid ahaa wadaadka shiicada ah ee caanka ah Sheekh Nimr Al-Nimr, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay lug ku lahaayeen falal argagixisanimo ah.
Waxaa xigay weerar ay dibadbaxayaal carreysan ay ku qaadeen safaaradda Saudi Arabia ee magaalada Tehran, taasi oo dhalisay in dowladda Saudi Arabia ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Iran.
Dalal kale oo xulufo la ah Sacuudiga sida Jabuuti, Bahrain iyo Sudan, ayaa iyagana xiriirka u jaray Iran, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xiriirka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.
Hadaba maxaa lagu micnayn karaa xiisaddan taagan, xagayse ku danbayn kartaa?
Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu wariyaha VOA-da ee London waydiiyey Xasan Xayle oo ka faalooda dunida islaamka iyo Bariga Dhexe, waxaana marka hore uu dib u eegayaa taariikhda xiriirka labada dal ee Sucuudiga iyo Iiraan.