Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo Dilay Wadaad Shiico ah iyo Dad kale


Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa maanta dishey 47 qof oo uu ka mid ahaa wadaadka caanka ah ee Shiicada Nimir Al-Nimir, kuwaas lagu helay falal argagixiso. Dadkan waxaa ku jira xubno ka tirsan al-Qaacida.

Sacuudigu dadka uu laayay intooda badan waxa uu ku eedeyay iney ku sifoobeen weeraro ay Al-qaacidda ka geysatay Sacuudiga 10-kii sannadood ee la soo dhaafay.

Afar qof oo uu ka mid yahay Sheekh Nimir Al-Nimir ayaa waxaa sabab looga dhigay iney ka dambeeyeen muddaaharaadyadii ay Muslimiinta Shiicada ah ay kaga soo hor-jeesteen dawladda Sacuudiga markii ay kacdoonnadu gil-gileen waddama bariga dhexe sanadadii la soo dhaafay, iyo waliba dil toogasho ahaa oo loo gaystay nin boolis ah xilligaas.

Waxaa dilka laga fuliyay 12 goobood. Afar xabsi waxay isticmaaleen toogasho toos ah, halka inta kali seef kurka looga jaray.

Waxaa dilka Sheekh Nimir loo geeystay cambaareeyey dalka Iiraan iyo waddamada xulufada la ah ee Shiicada ah.

Sacuudiga ayaa adkeeyey ammaanka xaafadaha ay ku badan yihiin Shiicada Sacuudigu, si looga hortago mudaaharaadyo suurto gal ah iney sameeyaan dadkaasi.

Dilka maanta ayaa u muuqda mid lagu niyad jabinayo dadka Sacuudiga ah si ay uga gaabsadaan falalka xagjir-nimada ah, kadib markii ay sanadkii la soo dhaafay dad badan ay ku dhinteen qaraxyo iyo toogashooyin ay ka geysteen kooxo Sunniyiin ah dalka Sacuudiga, iyadoo ay kooxda Daacish ugu baaqday taageerayaasheeda iney weeraro ka fuliyaan boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dilka loo geystay 47 ka qof ayaa la sheegay in uu ahaa kii ugu tirada badnaa ee dalkaa laga fuliyo tan iyo sanadkii 1980-kii, markaas oo la dilay 63 qof oo lagu eedeeyay iney afduub ku qabsadeen Masjika weyn ee Xaramka ee ku yaalla Maka al-Mukarama sanadkii 1979-kii

XS
SM
MD
LG