Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buhari Oo Raba Inuu La Hadlo Boko Haram


Buhari, ayaa sheegay in haddii laga dhex helo Boko Haram horjooge macquul ah inay dowladdiisa qorshneyso inay wada xaajoodyo la billowdo.

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa wariyayaasha u sheegay inuu rajeynayo inuu wadaxaajood la galo kuwii afduubtay gabdhihii ardayda ahaa kuwaasoo laga kaxeystay iskuulkii ay dhiganayeen sanadkii 2014-ka.

Kulankiisii ugu horreeyay ee uu la qaatay warbaahinta tan iyo intii uu xilka qabtay bishii May, ayuu Buhari kaga jawaabay su’aalo badan oo la weydiiyay, kuwaasoo ay ku jiraan kooxda gabdhaha ah ee ay tiradoodu gaareyso 2-da boqol ee ay Boko-xaram ka afduubteen magaalada Chibok sanadkii hore.

Buhari, ayaa sheegay in haddii laga dhex helo Boko Haram horjooge macquul ah iyo halka ay gabdhuhu joogaan inay dowladdiisa qorshneyso inay wada xaajoodyo aan sharuud ku xirneyn la sameyso kooxda si gabdhahaasi loo soo celiyo.

Isku dayo hore oo wada hadallo la doonayayu in gabadhaasi lagu soo celiyo qoysaskooda ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii dowladda ay ogaatay in ay la wada xaajooneysay dad aan arrinta quseyn.

XS
SM
MD
LG