Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaliimo Yarey: Waa lala Wareegay Howsheenii


Xaliimo Yarey
Xaliimo Yarey

Xaliimo Yarey, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, ayaa hay’adaha dowladda ku eedeysay inaysan guddiga doorashooyinka ku tix-gelin howshooda.

Iyadoo muddo 8-bilood ah ay ka harsan tahay xilliga la filayo in Soomaaliya ay doorasho ka qabsoonto ayaa guddiga doorashooyinka qaran uu ka digayaa in wali aan la sameyn sharcigii doorashooyinka ee qeexi lahaa hanaanka loo marayo doorashada 2016.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey”, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, ayaa hay’adaha dowladda Soomaaliya ku eedeysay inaysan guddiga doorashooyinka ku tix-gelin howshooda.

Xaliimo Yarey, oo kahor hadashay baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ku jiraan madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ay la wareegeen howshii guddiga doorashooyinka qaranka.

Waxa ay baarlamanka Soomaaliya ugu baaqday inuu u doodo sidii guddigan, oo ay ansixiyeen xildhibaannada, dib loogu soo celin lahaa maamulka howshii loo aas-aasay.

Xaliimo Yareey ayaa ka digtay in doorasho kasta oo Soomaaliya ka dhacda ay noqon doonto mid sharci darro ah, haddii aysan maamuleynin guddiga doorashooyinka qaranka.

Wariyeheenna Jacfar Kuukay ayaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray.

Guddiga Doorashooyinka oo eedeyn jeediyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:10 0:00

XS
SM
MD
LG