Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Laga Dhex Helay Walax Laga Shakiyey


Diyaarad laga leeyahay dalka Faransiiska oo ka soo duushay Mauritius kuna sii jeeday magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa si deg deg ah loo fadhiisiyey dalka Kenya ka dib markii mar laga dhex helay walax ama shay laga shakiyey.

Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa baadhis ku wada shayga laga shakiyey oo laga helay suuliga diyaaradda. Taas oo horseedday in diyaaraddu ay ku degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Mombasa.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in masuuliyiinta Kenya oo gacan ka helaya Faransiiska iyo Mauritania ay ku hawlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa walaxdan waxa ay tahay.

Qaar ka mida rakaabkii diyaaradda ayaa su’aalo la weydiiyey hase ahaatee faahfaahin badan lagama bixin in la xidhay iyo inkale.

XS
SM
MD
LG