Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Qarax Ma Ridin Diyaaraddii Ruushka


Warka kasoo baxay Masar ayaa ka duwan kii Russia iyo reer Galbeedka oo sheegay in bam uu soo riday diyaaraddi ku dhacday Siinaay.

Dowladda Masar ayaa soo saartay warbixin hordhac ah, oo sheegeysa in baarayaasheeda aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in argagixiso ay ku lug lahayd soo dhicitaanka diyaaraddii Ruushka ee jasiirad u yaalka Siinaay ku burburtay 31-kii October.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda socdaalka Masar ayaa lagu sheegay in baaritaanka ku saabsan waxa diyaaradda soo riday uu weli socdo, balse weli aysan jirin wax tilmaamaya ficil argagixiso.

Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka oo Mareykanka uu ku jiro ayaa sheegay in waxyaabo qarxa oo la saaray diyaaradda ay soo rideen. Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda, waxaana ay sii daysay sawirro ay ku sheegtay bamkii diyaaradda qarxiyey.

Diyaaradda Metrojet oo ka duushay xeebta Sharma Al-Sheekh ayaa waxaa ku geeriyooday 224 qof, taasi oo saameyn ku yeelataya dalxiiska Masar kadib markii Ruushka iyo Britain ay hakiyeen duulimaadyadii dalkaas.

XS
SM
MD
LG