Wareeg labaad oo ka mid ah oo shirka madasha wada-tashiga nooca doorashada ka qabsoomi karta Soomaaliya sanandka dambe ee 2016 ayaa ka furmay magaalada Muqdisho. Madaxda dawladda, kuwa maamul goboleedyada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa shirka jooga.
Wararka kasoo baxaya shirka ayaa sheegaya inaan natiijo kama dambays ah oo ku saabsan qaabka doorashadu yeelanayso aan la filan Karin ka hor bisha Jannaayo ee sannadka cusub.
Jacfar Kuukaay ayaa warbixintan nooga soo diray Muqdishu.