Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dumarka Sacuudiga oo Doorasho ka Qeybgalay


Dumarka dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay codkooda ka dhiibtay doorashooyinka dowladaha hoose, iyadoo haweenay markii ugu horreysay taariikhda dalkaasi ay u sharaxant ahay mid ka mid ah kuraasta golayaasha deegaanka.

Rag iyo Dumar ayaa xarumo kale duwan si gaar ah codkooda uga dhiibtay.

Isbedelkan ayaa qeyb ka ah raadadkii uu ka tagay, boqorkii Cabdallihii geeriyooday bishii January, oo isagu soo sannadkii 2011 wareegto ogolaaneysa dumarka inay codeyn karaan.

Doorashada Sacuudiga 12/12/15
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:27 0:00

Dumarka Sacuudiga ayaa sidoo kale waxay haatan xaq u leeyihiin inay isu soo sharxaan kuraasta golayaasha deegaanka.

Fawzeya al-Harbi oo u sharaxay gole deegaan ayaa sheegtay inay tani tahay fursad ay dumarka Sacuudiga sugayeen 10-kii sano ee la soo dhaafay si ay qeyb uga noqdaan siyaasadda iyo go’aan ka gaarista masiirka dalkooda.

Hay’addaHuman Rights Watch, ayaa sidoo kale sheegtay in dumarku ay aad ugu adkeyd inay isu diwaan geliyaan codeynta.


Doorashadii ugu horreysay ee gole deegaan ayaa Sacuudiga ka dhacday sanadkii 2005-tii.​

XS
SM
MD
LG