Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta AIDS-ka Oo Laga Xusay Soomaaliya


Maanta ayaa waxa ay ku beegan tahay maalinta AIDS-ka adduunka, waxaana laga xusay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Munaasabad lagu xusay maalinta HIV/Aids ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad u badan kuwa la nool xanuunka HIV, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanno.

Ka qeybgalayaasha munsaasabadda ayaa carabka ku adkeeyay sida loogu baahan yahay taageero siinta dadka qaba xnauunka iyo joojinta takoorka bulsho ee ay qabaan hadda.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dadaali doonaan taageerada dadka iyo joojinta takoorka ay la kulmaan xilligan.

Sidoo kale, magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasabad uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo oo la xidhiidha maalintan.

Agaasimaha gudidda ay Somaliland u xil saartay la dagaalanka iyo xakamaynta cudurkan ee SOLNAC Prof Abdi Cali oo wariayah VOA ee Hargeisa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac u waramay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay hoos u dhigaan heerkii uu cudurkani Somaliland ka marayay.

Haddaba labada warbixin ee Muqdisho iyo Hargeysa Hoos ka dhageyso.

Warbixin: Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:03 0:00
Wareysi: Hargeysa
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

XS
SM
MD
LG